Home arrow Siyaasadda | Aduunka arrow UN-ka iyo Dowlada Jabuuti oo ku dadaalaya Qabsoomida Wadahadalada Soomaalida
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:320
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:145
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:456
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 05 2008
UN-ka iyo Dowlada Jabuuti oo ku dadaalaya Qabsoomida Wadahadalada Soomaalida
Written by Ali Moallim   
Monday, 05 May 2008

Nairobi,(insidesomalia.org)- Qaramada Midoobay iyo Dawladda Jabuuti ayaa iska kaashanaya qorshe ay ku doonayaan in ay ku badbaadiyaan wadahadaladii lagu wadey in bishan 10-keeda ay ka furmaan Magaalada Jabuuti, kuwaasi oo ay isugu imaan lahaayeen wakiilo ka kala socda Dalwadda KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Soomaaliya.

Dadaalkan ayaa ku aadan sidii wadahadaladan ay u noqon lahaayeen kuwa aan fashilmin, taasi oo ka dhalatey ka dagaal markii Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay sheegeen in ay ka fakarayaan ka qaybgalka wadahadaladaasi, iyagoo ku macneeyey taasi sida ay hadalka u dhigeen ficiladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo duqeyntii Degmada Dhuusa-mareeb.

Qaramada Midoobay ayaa waxay kala kaashanaysaa Dawladda Jabuuti sidii Isbahaysiga Asmara loogu qancin lahaa in ay yimaadaan Miiska wadahadalka, iyagoo wixii ay qabaana loo baahanyaahy in ay ka sheegaan Miiska wadahadalka, gaar ahaan Beesha Caalamak horteeda.

Dhinaca kale wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah ayaa warar hoose waxay sheegaan inuu xiriir la sameeyey Maamulayaasha wadanka Masar sidii ay ugu qancin lahaayeen Isbahaysiga Asmara in ay ka qayb galaan wadahadalada.

Xiriirka dhexmarey Wasiirka arimaha dibada ee Masar Ahmad Abul-Geyt iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah ayaa ku aadanaa sidii Gudoomiyaha Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Qaahira Madaxda Dalka Masar ay ugu qancin lahaayeen in ay ka qayb galaan wadahadalada la qosheeyey inay ka dhacaanDalka Jabuuti.

Goor sii horeysay ayaa Qaramada Midoobay waxay ku hanjabtey in ay faraha kala bixi doonto arimaha Soomaaliya hadii ay fashilmaan qorshaha dhanka dib u heshiisiinta Qaran ee ay wado Qaramada Midoobay.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >